Press

Warsaxaafadeed: Cillad Ku timid internet-ka

July 26, 2020

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxa ay la socodsiinaysaa macaamiisheeda sharafta leh in Adeegga Internet-ka uu ku yimid cillad , iyadoo dabaylo xawaare sare ku socda oo ka kacay gudaha Badweynta Hindiya ay sababeen in hirar xoogan ay jaraan xarigga Internet-ka ee badda hoos-yaalla.

Injineerada iyo farsamayaqaannada waxa ay ku howlanyihiin xal u helidda iyo dib u kicinta Internet-ka oo barqanimadii maanta go’ay, iyadoo la rajaynayo in sida ugu dhaqsaha badan loo hagaajiyo, dibna loo howlgeliyo adeeggani muhiimka ah.

Shirkadda waxa ay had iyo jeer diyaar u tahay qancinta iyo ka jawaabida cabashada macaamiisheeda si hufnaan leh, iyadoo ku howlan ballaarinta iyo kobcinta howlaha ay u heyso dadka Soomaaliyeed.

Hormuud ha ahaado wehelkaaga!