News

Hayadda Hormuud foundation oo laba gaari ambalaas ugu deeqday isbitaalka martiini

May 3, 2020

Iyada oo ay sii kordhayso dadka tirada dadka qaba Covid19 ayaa Shirkadda Hormuud laba gaari oo Ambalance ah ugu deeqday isbitaal martiini oo ah xarunta la tacaalidda iyo karantiilka daka qaba cudurka Corona Virus.Waxay ahayd dhawaan markii ay shirkadda Hormuud sidoo kale gaari Ambalance ah ugu deeqday isbitaalka kismaayo.

Shirkadda Hormuud Foundation ayaa mar waliba qayb ka tahay samafalka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada  abaaraha, fatahaadaha, iyo u-gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto. Sanadkan 2020 shirkadda Hormuud waxay $2M dollar ku bixineysaa ka hortagga xanuunka Corona Virus iyo afurinta dadka masaakiinta danta yar.