WE LEAD SOMALIA'S TELECOMUNICATION INDUSTRY

Ku saabsan Hormuud

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waa hogaanka bixiya adeegyada isgaarsiinta Soomaaliya. Waxay socdaalkeeda ku aadan xiriirka caalamka ka bilowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya bishii April sanadkii 2002, tan iyo markaasna waxay yeelatay magac iyo maamuus iyadoo ay ka howlgalaan 5000 oo shaqaale joogta ah iyo tiro kale shaqaale ku meel gaar ah. Daacadnimada bulshada ay u hayaan isgaarsiinta Hormuud waxaa lagu qiimeyn karaa xaqiiqada ah in ku dhow 4000 oo ganacsato Soomaali ah ay saami ku leeyihiin shirkada.

Waxaan ku hogaaminaa suuqa isgaarsiinta Soomaaliya adeegyo isgaarsiineed oo casri ah sida: adeegga GSM, talefoonada guyaha iyo xafiisyada iyo adeegyo internet sida: 3G, ADSL, WDSL, MIFI, P2P iyo hotspots.

Intaas waxaa sii dheer inaan ka howlgalno koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si aan u daboolno baahida isgaarsiinta waddankeena. Bulshadu naguma garanayaan oo kaliya adeegyadeena hufan ee laysku halayn karo balse xitaa waxaan kaalin mug leh ka qaadanaa samafalka iyo gargaarka umaddeena.

Sikastaba ha ahaatee, hay'addeena samafalka Hormuud Telecom Foundation (HTF) waxaa loo asaasay in lagu ilaaliyo masuuliyadda naga saaran bulshada (CSR) oo ujeedkuna yahay in lagu ciribtiro faqriga lagu dhiirri geliyo wax barashada iyo inaan gacan u fidino bulshadeena marka ay ku dhacaan xaaladaha degdegga ah.

Higsi /Vision

Shiradda isgaarsiinta Hormuud waxey higsaneysaa iney noqoto hormuudka isgaarsiinta geeska Africa

Himilo / Mision

hadafkeenu waa inaan ka haqabtirno bulshada adeeg isgaarsiineedka ugu tayada fiican uguna qiimaha jaban.

Badeecada Iyo Adeegyada Aan Iibino

  • Adeegyada moobaylada gacanta (prepaid &postpaid)
  • Adeegyo internet
  • Talfoonada guryaha iyo shaqada
  • Adeegga fariin qoraaleedka
  • Adeegga wareega (Dalmar International Roaming)
  • Adeegga EVC Plus (Electronic Virtual Cash)
  • Adeegga Voice Mail
  • Adeegga Nasiye (CRBT)
  • Adeegga Caawiye (sef care)
  • Adeegga Natiijo (my exam)
  • Adeegga AqoonMaal
  • Adeegga Qaamuus

Contact us through many channels