Arimaha Samafalka

Somali » Shirkadaha » Arimaha Samafalka

Hayadda Hormuud foundation oo laba gaari ambalaas ugu deeqday isbitaalka martiini

Iyada oo ay sii kordhayso dadka tirada dadka qaba Covid19 ayaa Shirkadda Hormuud laba gaari oo Ambalance ah ugu deeqday isbitaal martiini oo ah xarunta la tacaalidda iyo karantiilka daka qaba cudurka Corona Virus.Waxay ahayd dhawaan markii ay shirkadda Hormuud sidoo kale gaari Ambalance ah ugu deeqday isbitaalka kismaayo.
Read More

Hayadda Hormuud Foundation iyo Salaam Somali Bank oo deeq raashin ah ku wareejiyey Isibtaalka dhimirka ee Dr Xabeeb

Hayadda Hormuud Foundation iyo Salaam Somali Bank ayaa maanta deeq raashin ah oo isugu jirtay Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir ku wareejiyey Isibtaalka dhimirka ee Dr Xabeeb,
Read More

Hay'adda Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Isbitaal Martiini

Hormuud Foundation ayaa maanta deeq ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan sida Bur, Bariis, Sonkor, timir, dhar iyo shan neef oo geel ah ku wareejisay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Read More

Hayadda Hormuud Foundation oo ugu deeqday $2 million ololaha afurinta dadka tabaaleysan iyo la dagaalanka cudurka Covid-19

Sida aan la wada socdono, waxaa aduunyada ka dillaacay xanuunka loo yaqaano Covid-19, kaasoo kasoo bilowdey China, balse haatan ku fidey dhamaan dunida dacaladeeda. Sidaas darteed Shirkadda Isgaarsiintaa Hormuud iyadoo ka jawaabeyso arinkaas waxay qaaday waxay qaaday tallaabooyinka soo socdo:
Read More

Hayada Hormuud Foundation 10 kun barakacayaal u qaybisay cunto afurin ah

Hayada Hormuud Foundation ayaa maanta 10 kun barakacayaal u qaybisay timir afurin ah ah oo qayb ka ah mashruuca afurinta dadka tabaaleysan. Mashrucan oo maanta la daahfuray ayaa socon doona inta lagu guda jiro bisha barakeysan ayaa waxaa lagu afurin doonaa dadka danyarta ah sida barakacayasha, naafada, bukaannada ku jira Isbitaallada, agoonta, iyo maxaabiistaba.​
Read More

Hormuud Foundation oo gaari Ambulance ah ku wareejisay cusbitaalka guud ee magaalada Kismaayo

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa gaari casri ah oo ah nooca Ambulance-ta ah ku wareejisay isbitaalka guud ee magaalda Kismaayo, kaas oo wax wayn ka qaban doona howlaha ay u baahan yihiin shacabka reer Kismaayo, gaar ahaan in loogu adeego hooyada iyo dhallaanka.
Read More

Hormuud Telecom oo US$200,000 ugu yaboohday gurmadka fatahaadaha Magaalda Baladwayn

Shirkadda Hormuud Telecom waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehelada dadka ku waxyeelloobay fatahaaadda iyo roobabka ee ka socota magaalada Beledwayne, Berdaale iyo qaybo kamid ah gobolka Gedo.
Read More

Hormuud Foundation oo raashin gargaar ah ka qeybisay degmada Baardheere ee Gobolka Ged

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere
Read More

Madasha U Abaal-Gud oo Shahaado Sharaf gudoonsiisay Shirkadda Hormuud

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, Culimaa’udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka soomaaliyeed.
Read More

Arday u tartameyso deeqda waxbarasho ee Hormuud oo imtixaanka u fadhiistay

Ku dhowaad 300 Arday oo ka kala yimid Gobollada Dalka, ayaa maanta u fariistay imtixaanka qubuulka ah ee Deeqaha wax barasho ee Hormuud Telecom. Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30-ka arday ee ugu sarreysa, kuwaas oo nasiib u yeelan doona in ay ka faa’iideystaan deeqaha waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Read More
1 2