FAQs

Somali » Shakhsiga » Caawinaad » FAQs
Ma samaysan karaa adeegga E-voucher?

Haa, waad samaysan kartaa adeegga E-voucher, waxaad tagaysaa goobta kuugu dhow ee Hormuud telecom, furashadu waa lacag la’aan, Hormuud waxay adeeggaas bilaash ugu bixinaysaa si ay macaamiisheeda u qanciso.

Ma ii qeexi kartaa Adeegga dalmar?

Adeegga Dalmar waa mid macaamiisha Hormuud u sahlayaa in ay number-kooda ku isticmaalaan dibadda meel kasta oo caalam-ka ay ka tagaan.

Sideen u diiwaan gelin karaa numberkayga?

Waxaad ku diiwaan gelin kartaa number-kaada kaliya inaad tagto xarunta kuugu dhow ee Hormuud isla markaana aad gayso macluumaadkaada oo dhamaystiran.

Sideen u hagaajin karaa fariimahayga si aan u isticmaalo Fariin qoraalka Hormuud?

Si aad u hagaajisato raac tilmaamaha hoos ku qoran

-          Tag qaybta Fariimaha

-          Dooro Hagaajinta Fariimaha (massage setting)

-          Dooro (sending Profile)

-          Dooro ( Profile1/Default profile)

-          Dooro (“Message centre number”)

-          Dooro (“Centre number”)

-          Geli (+252103)

Intee ayuu la’egyahay cumriga kaarka la xogto ee Hormuud $1, $2, $5, iyo $10?

Kaar-ka la xoqdo ee Horuud waa diyaar mar walba asaga oo kala ah : $1 Kaar-ka la xoqdo, $2 Kaar-ka la xoqdo, $5  Kaar-ka la xoqdo, and $ 10  Kaar-ka la xoqdo. cimriga Kaarku wuxuu ku xiran yahay mar walba inta uu le'eg yahay qiimo ahaan waana sida hoos ku cad:

Card type/Nooca kaarka
Validity Period(days) Inta uu shaqeenayo (Maalmo)
Validity Period(months) Inta uu shaqeenayo (Bil)
$ 1 Scratch card
30 Maalin
1 Bil
$ 2 Scratch card
30 Maalin

Goorma ayaa la igu soo dalacayaa biilka telka postpaid-ka ah?

Waxaa lagugu soo dalacayaa dhamaadka bisha ama horaanta bisha ku xigta ugu danbayn.

Sidee lacag iigu jirta aan ugu xawili karaa number kale oo Hormuud ah?

Waxaa jira 3 hab oo aad number kale oo hormuud ahugu xawili karto haraagaaga waana sidan:

Haraagaaga inaad xawishid: waxaad haraagaaga u xawili kartaa Number kale oo Hormuud ah adiga oo isticmaalaya Hab-ka hoos ku xusan:

  1. garaac 120
  2. riix  9
  3. geli  8 number ee sirta ah
  4. riir  “#”
  5. geli  numbarka wax loo xawilayo “15XXXXXX”
  6. riix “#”
  7. geli lacagta aad xawilayso
  8. riix “#”
  9. ugu danbayn riix 1 si aad u xaqiijiso xawilaadda

Hab-ka E-voucher: Haddii aad isticmaasho E-voucher waad u xawili kartaa  Kaar kuugu jira E-voucher-ka. qaab-ka xawilaadda E-voucher-ka ka eeg isticmaalka E-voucher.

Toos u xawil Kaar-ka Xoqashada: waxaad kaarka xoqashada si toos ah ugu xawili kartaa number kale adiga oo isticmaalaya hab gaaban oo ah sidan: *121#12345678#

xogtayda shaqsiga ah ilaa heer intee ah ayay xafidantahay?

Xogtaada shaqsiga ah ee ay shirkadda Hormuud hayso waa mid ku jirta gacan aamin ah oo aan la wadaagayn daraf 3-aad isla markaana diyaar u ah inay ilaaliso xogta macaamiisheeda una babac dhigto taxadi kasta oo kusoo wajaha ilaalinta xogta macaamiisha.

Wicitaan kasta oo aad samayso waxaa durba loo wareejinayaa Gal/Server ilaashan kuna guntan number sireed isla markaana xogta shaqsiga ka reebaya inta aysan gaarin xarumaha iib-ka ee shirkadda, xifdintaas kadib qofkasta wuxuu gooni u leeyahay koonto number kaas oo markasta oo la rabo in la arko ay wakiilka biilasha ee qaabilsan kaliya u soo dhacayso number sireed ku xiran. Waxaa intaas dheer xogta la xiriirta macmiilka eek u kaydsan Database-ka hormuud waa mid xafidan.

GSM-KA Hormuud shabakadaha dalka ka jira kuwee ayay shabakad wadaag yihiin (National roaming)?

GSM-KA Hormuud adeegyadiisa dhamaan waad heli kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah waxayna shabakad wadag yihiin (Telesom-Somaliland) iyo (Golis-Puntland).

Wax lacag ah oo igu soconaysa miyaa jira inta aan haysto simcard-ka Hormuud?

Simcar-ka Hormuud ma jirto wax lacag ah oo kugu soconaysa inta aad haysato waana lacag la’aan marka laga reebo lacagta aad ku iibsatay.

Wax qarash ah miyaa la iga rabaa si aan u diiwaan geliyo number-kayga?

Ma jiro wax kharash ah oo lagaa rabo marka laguu diiwaan gelinayo number-kaada waa adeegg bilaash ah oo macaamiisha loo qabto si loo qanciyo.

Ma jiraa Qiimo dhimis iyo dhiiri gelin loogu talagalay macaamiisha Hormuud ee isticmaasha Adeegga Landline-ka?

Shirkadda Hormuud waxay macaamiisha u samaysaa Qiimo dhimis, iyo Dhiirigelin markasta oo uu dhamaado xilli xisaabeed-ka ayada oo laga tixraacayo habdhaqan-ka qaanbaxa macmiilka isticmaala adeegga kirada ah ee Landline.

Hormuud ma leedahay number dibadda lagala soo xiriiri karo oo macaamiisha caawiya?

Haa macaamiisha dibadda jooga ee u baahan caawinta waxay lasoo xiriiri karaan numbers-ka: +252-1-657950 +252-1-657951 +252-1-659562 ama waxay waraaq e-mail ah usoo diri karaan: customercare@hortel.net

Mobile-kaygu wuxuu soo saarayaa Geli furaha PUK marka aan damco in aan nuber Waco sideen u xalin karaa mushkiladaas?

Si aad ula xiriirto number-ka caawinta macaamiisha fadlan garaac  (101), ama  (141) waxaa durba kaa qabanaya kuuna adeegaya qaybta adeegga macaamiisha ee hormuud. ogow ciwitaanku waa lacag la'aan si macaamiisha loo qanciyo.

Mobile-kaygu wuxuu iisoo bandhigayaa “number-kaadu diiwaanka wuu ka baxay” ee maxaan sameeyaa?

Si aad u xaliso Mushkiladdaas waa inaad taqaano 8-deeda number ee PUK ee number-kaada, haddii aad haso fadlan raac tilmaantaan:

  1. Geli 8 number ee  PUK-ga
  2. Kadib riix botonka dirista
  3. Kadib geli 4-ta number ee rista
  4. Kadib riix botonka dirista

Haddii aadan hayn numbarrada PUK iyo PIN-ka fadlan gal caawiyahaada oo ka dooro number-ka afraad, kadibna geli number-ka leh PUK/PIN. AMA la xiriir 101/141. 

Marka aan ebyo isdiiwaan gelinta maxaa kale ee ii furan?

Diiwaan gelinta kadib macmiilku wuxuu codsan karaa:
Adeegyada la xiriira caawinta ee ay ka mid yihiin number sireedyada xadididda wicitaanka gudaha ama dibadda, wareejinta haraaga, ogaanshaha qaanta marka aad tahay macmiil isticmaala adeegga QAANTA (Postpaid).

 

Maxaa la iiga baahan yahay si aan u noqdo macmiil isticmaala laf ah Adeegga Qadim-ka (Prepaid) ee Hormuud Telecom?

Si aad u isticmaasho adeegga Qadim-ka ee Hormuud waxaa kaliya ee lagaa rabo waa inaad iibsato Laf noocaas ah goob kasta oo Hormuud leedahay.

Si aan u isticmaalo mareegta Hormuud dheegsi (Browser) nooce ah ayaan u baahanay?

Mareegta Hormuud waa mid casri ah waxayna ku shaqayn kartaa kuuguna furmaysaa dheegsi (Browser) kasta oo aad isticmaasho.

Waa maxay namber-ka fariimaha ee Hormuud?

namber-ka fariimaha ee Hormuud waa (+252103)

Haddii lacag iga qaldanto halkee la xiriiraa?

Isla marka aad ogaato in lacagi kaa qaldantay fadlan la xiriir qaybta adeegga macamiisha ee 101/141 ayaga ayaa kuu adeeggaya.

Marka aan dalka ka baxo maxaa adeeeg ah oo aan ka heli karaa GSM-ka Hormuud?

Waxaa kuu shaqaynaya adeegyada Hormuud sida wicitaan iyo fariimba lacada nooc ee GSM-ka Qadim/Prepaid iyo Qaan/Postpaid, sidoo kale waxaa kuu shaqaynaya adeegga EVC pluss meel walba oo aad ka tagto aduunka.

Qiimaha kirada landline-ka waa meeqo bishii?

Qiimaha kirada bishii ee landline-ka waa $5, haddii aad ku isticmaasho internet ama aad ku isticmaasho kaar-ka xoqashada kirada waa lagaa dhaafayaa.

Markasta oo aan damiyo Mobile-kayga waxaa iisoo baxaya geli number sireed (pin code) maxaa yeelaa?

Si aad u tirto number sired-kaas tag Settings->Security settings -> PIN code request -> Enter 4 digit PIN 1 code ->Off

Marka aan damco inaan sameeyo wicitaan waxaa iisoo baxaya fariin “wicitaan lama ogollaan”

Si aad u xaliso cilladaas fadlan raac habkan:

  1. gal “Settings”
  2. dooro “Security settings”
  3. kadib dooro  “Fixed dialling”
  4. kadib dooro  “Off”
  5. geli PIN2 code
  6. kadib dir

 

Got your own Question?

Here are several ways to contact us

Lively Chat Support puts the power of connecting with visitors in the palm of your hand.

Go to Comments

Click here to contact our support team 24 hours a day, 7 days a week. For assistance with other HGST products, call 101/141/+2521-657950

Contact Support