My SMS

MYSMS

Adeegga My SMS

Adeegga My SMS waxa uu macaamiisha u suuragalinayaa in ay fariin wadareed u diri karaan koox ay ka dhaxeyso xiriir shaqo, wax kala iibsi, adeeg bulsho iyo wixii lamid ah.

Faa’iidooyinka Adeegga 

  • Waxa aad ku gaari kartaa macaamiishaada sida ugu sahlan
  • Waxaad ku maareyn kartaa, fariimaha ku wajahan Shaqaalaha
  • Waxaad u adeegsan kartaa ogeysiisyada shirarka
  • Waxaa loo adeegsan karaa ogeysiisyada imtixaanada ardada
  • Waxaad u adeegsan kartaa salaamaha ciidaha iyo munaasabadaha
  • Waxaad sidoo kale uga faa’iideysan kartaa kor u qaadista ganacsigaada

Yaa loogu talagalay 

  • Ganacsatada
  • Waxbarashada,
  • Caafimaadka ,
  • Hay’adaha

Xirmooyinka My SMS

Qiimaha Tirada Fariimaha Xilliga Dhicitaanka
$25 1,666 30 days
$50 5000 45 days
$100 13,333 60 days

 

Shuruudaha

  • Adeegga waxaa loo isticmaali karaa oo kaliya qaab Prepaid ahaan
  • Macmiilku waa in uusan u adeegsan  wax ka baxsan ujeedada adeegga sida aflagaado, ceebayn, iyo wax kastoo kahor imaan karo anshaxa diinta iyo dhaqanka suuban
  • Hormuud xaq ayey u leedahay inay ogaato farriinta aad direyso haddii ay duruufi keento si ay u ilaaliso nidaamka iyo anshaxa fariimaha.
  • Qofka macmiilka ah ayaa xaq u leh inuu ku biro liiska farriimaha iyo inuu ka baxo labadaba.
  • Lama baahin karo farriin kasta oo ka hor-imaaneysa siyaasadda shirkadda Hormuud , sida ku cad heshiiska
  • Haddii adeeggan macmiilka la siiyay uu iibiyo ama cid kale inay isticmaasho uu u ogolaado, shirkadda hormuud xaq bay u leedahay in ay ka joojiso adeegga.

Furashada

  • Macaamilku waa inuu buuxiyaa foomka isdiiwaangelinta
  • Qiimaha Halkii SMS waa $0.02
  • Fariimaha ugu yare e la dirsan karo waa 5 fariimood