EVC Plus

Somali » Shakhsiga » adeegyada » EVC Plus

EVCPlus

Adeegga EVCplus

Adeegga evcplus waa adeeg ay macaamiisha Hormuud isugu kala xawili karaan lacagaha, Ku bixin karaan biilasha, ka dhex iibsan karaan kaarka kuhadalka, iyo in ay si toos ah lacag ugala soo bixi karaan ama u dhigan karaan Salaam Bank.

Adeegga EVCplus Mayahay Mid la isku haleyn karo?

Adeegga EvcPlus waa adeeg si weyn loo ilaaliyay loogana hortagay iyadoo la adeegsanayo farsamada iyo teknolojiyada casriga ee dunida. Macaamil kasta ee isticmaala Adeegga Evcplus waxaa looga baahan yahay afar lambar sir ah markasta uu lacag dirayo, doonayo inuu ogaado haraagiisa ama in uu ku shubto kaarka ku hadalka.

Haduu Macaamilka Lumiyo SIM-ka Muxuu Sameyn Karaa?

Haduu Macaamilka Ka lumo Sim-kaarkiisa wuxuu awood u leeyahay inuu lambar kale ka xiri karo Qasnadiisa EVCplus-ka, ama wuxuu si degdeg ah u wici kara Qeybta adeegga macaamiisha oo heegan ah habeen iyo dharaar.

Faa’iidooyinka Adeegga EVCplus 

  • Waxaa loo adeegsan karaa Arimaha la xiriiro gargaarka iyo bini’aadamtinimada
  • Waxaad ku xiran karta Koontadaad bangiga
  • Waxaad ku bixin kartaa wadar lacageed oo fara badan
  • Waxaad kaga iibsan kartaa website-ka shirkadda
  • Adeegga EVCplus wuxuu ku shaqeyna noocyada kala duwan ee mobilada
  • Hadii aad lacag Xawileyso waa lacag la’aan
  • Biilasha dhan ayaad ku bixin karta

 
Habka Furashada Adeega EVCplus

  • Garaac *770# 
  • Dooro afarta lambar oo sir ah
  • Dib Ugeli afarta lambar ee sirta
  • Waad ka shaqeysiisay adeegga EVCplus

Tusmada Adeega EVCplus (Evcplsu Menus)

Garaac *770#, Geli Afarta lambar ee sirta, Kadib waxaa kuu soo bixi doona liiska hoos ku xusan

  1. Itusi Haraaga
  2. Kushubo kaarka Ku hadalka
  3. Bixi biilasha
  4. Wareeji Lacag
  5. Warbixin kooban
  6. Salaam Bank
  7. Maareynta
  8. TAAJ ?
  1. Sida Loo Ogaado Haraaga Lacagta EVCplus
  • Garaac *770#
  • Geli afartaada lambar ee sirta
  • kadib dooro lambar 1

Habka Fudud ee haraaga lagu ogaado
Garaac*711#
Kadib Geli Afarta lambar ee sirta

  1. Sida Loo iibsado kaarka ku hadalka
  • Garaac *770#
  • Geli Afartaada lambar ee sirta
  • Dooro lambar 2
  • kadibna geli cadadka kaarka aad iibsaneyso

Habka Fudud ee lagu iibsado kaarka ku hadalka
Garaac *713*Tell Number*cadadka*
Kadibna Geli afarta lambar ee sirta

 

  1. Sida Qofkale loogu iibiyo kaarka ku hadalka
  • Garaac*770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lambar 2
  • Markale dooro 2
  • Geli lambarka aad kaarka u iibineeyso
  • Kadibna geli cadadka aad u Iibineyso
  • Dooro 1 si aad u xaqiijiso
  1. Sida lacag looga Xawilo adeegga EVCplus
  • Garaac *770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lambar 4
  • Geli lambarka aad lacagta u xawileeyso
  • Geli cadadka lacagta aad xawileyso
  • kadib riix 1 si aad u xaqiijiso 

Habka fudud ee lacagta lagu xawilo
Garaac *712*Tell Number*lacagta*
Kadibna Geli afarta lambar ee sirta

  1. Hubinta lacagta ugu dambeesay ee laguu soo diray
  • Garaac *770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lambar lambar 5
  • Kasii dooro lambar 2
  • Hadana kasii dooro lamabr 2
  • Kadibna Geli lambarka Telefonka 
  1. Hubinta lacagta ugu dambeysay ee aad lambar u dirtay
  • Garaac*770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lambar 5
  • Kasii dooro lambar 2
  • Dooro lambar 1
  • Kadib geli lambarka aad lacagta u dirta
  1. Sida loo badalo afarta lambar ee sirta
  • Garaac*770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lamabar 7
  • Hadana dooro lambar 1
  • Kadibna geli labarkaaga sirta cusub laba jeer.
  1. Sida luqada loo doorto
  • Garaac*770#
  • Geli afartaada lamabar ee sirta
  • Dooro lambar 7
  • Hadana dooro lamabr 2
  • Kadibna dooro luqada aad dooneyso Somali/English
  1. Sida loo xirto evcplus-kaaga marka talefoonka kaa lumo
  • Garaac*770#
  • Geli afarta lambar ee sirta
  • Dooro lamabar 7
  • Kasii dooro lamabar 3
  • Geli lamarka kaa lumay
  • Geli lambarka kaa lumay afartiisa lambar ee sirta
  • Evcplus-kaagu waad xiratay