Adeegga Prepaid

Somali » Shakhsiga » adeegyada » Adeegga Prepaid

Prepaid

Adeegga prepaid

Adeegga prepaid-ka Hormuud wuxuu kuu sahlayaa in aad ku shubato kaarka ku hadalka intaad doonto. Sidoo kale wuxuu macaamilku kala xulan karaa noocyada kala duwan ee kaarka la xoqo sida isagoo ku shuban karo $ 1,$ 5 ilaa $ 10 dollar.

Diiwaangelinta Lambarka cusub

Si loo ilaaliyo shuruucda isgaarsiinta caalamka iyo tan dalka, shirkadda isgaarsiinta hormuud waxay masuuliyad weyn iska saartay in simkaar ama lambar aan diiwaansaneyn uu qasnadeedda ka baxo. Sidaas awgeed qof kasta oo macaamiisha ka mid ah oo doonaya in uu qaato simkaarka Hormuud waa in uu soo mara sharciga isdiiwaangelinta isagoo laga qorayo magaciisa oo saddexan, qof damiin ah ama document aqoonsi ah hadii uu heli karo.

Ka shaqeysiinta Lambarka iyo doorashada luqada

Si aad uga shaqeysiiso lambarkaada una kala doorato luqadaha garaac 120 kadiban raac tilmaamaha.

Ogaanshaha Lambarka

Garaac *999#

Hababka ku shubashada Kaarka ku Hadalka

  • Kushubashada Kaarka la xoqo

Si aad ugu shubato kaarka la xogo garaac *121# scratch PIN# kadibna dir.

  • Kushubashada EVC plus

Garaac *770# 
Geli lambarka sirta
Dooro lambar 2
Kadibna geli inta aad dooneyso in aad ku shubato

Hababka ogaashaha haraaga ku Hadalka 

Si aad u ogaato haraagaaga ku hadalka garaac *122# ama wac 122 /120 kadibna raac tilmaamaha

Qiimaha Wicitaanka Guadaha iyo dibadda (Tariffs)

Jihadda Nuuca Qiimaha Faafaahin Waqtiga
Dibadda Mobile & fixed line $0.25 Dalkasta Marwalba
Gudaha Mobile $ 0.05 Hormuud To Hormuud Normal
Mobile $ 0.0062 Hormuud To Hormuud Habenki
Mobile $ 0.15 Hormuud To Nation & Somtel Marwalba
Mobile $ 0.05 Hormuud to Golis Marwalba
Mobile Telesom $ 0.05 Hormuud to Telesom Marwalba