Career

Home » Corporate » Career » System Administrator

System Administrator

Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay baahinaysaa Shaqo System Administrator ah kana bannaan Xarunta dhexe ee Muqdisho gaar ahaan waaxda ICT-da. Shuruudaha laga doonayo qofka soo codsanaya Booska-shaqo ee sare ku xusan waa: 

  1. In uu diyaar u yahay Shiftiyada shaqo, lana heli karo waqti kasta.
  2. In uu Jir ahaan iyo Maskax ahaan u Caafimaad qabo.
  3. In uu Da’ahaan u dhaxeeyo (24 ilaa 35) Sano jir.
  4. In uu ugu yaraan heysto Shahaado Bachelor Degree ah oo la xiriirta Cilmiga System Administrator-ka sida: (Computer Science, IT, Computer System Engineering, Oracle Certified Associate (OCA), Red Hat Certified System Administrator (RHCSA), Microsoft Certified Solutions Expert (MCSE) iwm).
  5. In uu ugu yaraan leyahay khibrad shaqo (System Administrator) oo 2 Sano ah
  6. In uusan lahayn wax Balwad ah, sidoo kalena uusan ku lug lahayn wax Siyaasad ah, Bulshadana uu ku dhex leeyahay Sumcad wanaagsan.
  7. In uu ku soo diro E-mail ka waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Hormuud oo ah hr@hormuud.com    warqad codsi-shaqo ah oo ay ku caddahay Magaca Booska-shaqo ee uu u tartamayo (Application letter), CV, Shahaadooyinka waxbarasho iyo 2 Sawir )

Mas’uuliyadaha iyo Waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay qofka soo   codsanaya shaqadan

 

  1. Naqshadeynta, Maareynta, Diyaarinta, Wax ka bedelidda iyo Dayactirka Servers-ka (Linux, Windows) iyo Database-yada (MS-SQL, My-SQL, & ORACLE).
  2. Diyaarinta & hagaajinta hab nidaamyada Systems-ka shirkada.
  3. Baaridda iyo Cillad-bixinta Servers-ka iyo Databases-ka Shirkada.
  4. Hubinta Security-ga & Integrity-ga Databases-ka iyo Servers-ka Shirkada.
  5. Joogtaynta kayd ka qaadista Databases-ka shirkada iyo Xifdintoodaba.
  6. Diyaarinta,Maaraynta & Cillad-bixinta IIS v10 iyo SSL Certs & Application Servers-ka la.
  7. UpdateGareynta Servers-ka iyo Databases-ka Shirkada mar walba oo uu soo baxo Version cusub, iyadoo la raacayo habraaca u degsan Shirkada.
  8. Ka hortagga iyo yareynta khataraha la xiriira Systems-ka Shirkadda.
  9. Caawinta iyo Isku duba-ridka shaqooyinka kala dhexeeya qaybaha Network-ga iyo Software Developers-ka ee Shirkada.
  10. In uu si dhaqso leh u baran karo hirgelin karana Technology-ada cusub ee ku soo kororta xirfadiisa shaqo.

 F.G: waqtiga codsi qabashadu waa (22/08/2019  ilaa  29/08/2019)