Career

Home » Corporate » Career » Software Developer

Software Developer

Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay baahinaysaa Shaqo Software Developer ah kana bannaan Xarunta dhexe ee Muqdisho gaar ahaan waaxda ICT-da: Shuruudaha laga doonayo qofka soo codsanaya Booska-shaqo ee sare ku xusan waa: 

  1. In uu Jir ahaan iyo Maskax ahaan u caafimaad qabo.
  2. In uu Da’ ahaan u dhaxeyo (24 ilaa 35) Sano jir.
  3. In uu ugu yaraan heysto Shahaado Bachelor Degree ah oo la xiriirta Cilmiga Software Developer-ka sida (Computer Science/IT, Computer Engineering, iwm)
  4. In uu ku shaqeyn karo Luqadaha (JAVA, PHP, C# iyo Python, iwm)
  5. In uu ugu yaraan leeyahay khibrad shaqo (Software Developer) oo 2 Sano ah.
  6. In uusan lahayn wax Balwad ah, sidoo kalena uusan ku lug lahayn wax Siyaasad ah, Bulshadana uu ku dhex leeyahay Sumcad wanaagsan.
  7. In uu ku soo diro E-mail-ka waaxda Shaqada & Shaqaalaha Hormuud oo ah  hr@hormuud.com  warqad codsi shaqo ah (Application letter) oo ay ku caddahay magaca Booska-shaqo  ee uu u tartamayo, CV, Shahaadooyinka waxbarasho, iyo laba Sawir oo Teesaro ah).

Mas’uuliyadaha iyo Waajibaadka shaqo ee looga baahan yahay qofka soo   codsanaya shaqadan

  1. In uu Develop-garayn karo (Curin karo); Naqshadaynta, Tijaabinta, Qiimeynta, Baaritaanka iyo hirgelinta dhamaan Barnaamijyada (Software Programs-ka) cusub ee shirkada lagu soo kordhinayo iyo horumarinta kuwii hore u jiray.
  2. In uu xallin karo cilladaha la soo gudboonaan kara barnaamijyada (Software Programs) kala duwan ee ay shirkaddu ku shaqeyso.
  3. In uu si dhaqso leh u baran karo, sidoo kalena uu hirgelin karo Technology-ada cusub ee ku soo kororta xirfadiisa shaqo.
  4. In uu ku fiicanyahay xiriirka shaqo & wada shaqaynta dadka ay shaqadu kala dhexeeyso (Shaqaale & Maamul intaba).

F.G: waqtiga codsi qabashadu waa (22/08/2019  ilaa  29/08/2019)